Agaasimaha Hey’adda sirdoonka dalka Nigeria oo xalay ku hoyday Muqdisho

0

Agaasimaha guud ee hey’adda sirdoonka dalka Nigeria ee ayaa galinkii dambe ee shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dalka uu ku yimid booqasho qaadanaysa labo maalin.

Agaasimaha oo lagu magacaabo Axmed Abubakar Rufaaci ayaa kulan la qaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yaasiin, sida lagu sheegay qoraal kooban oo barta twitter-ka ay soo dhigtay hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.

“Axmed Abubakar Rufaaci iyo Fahad Yaasiin, ayaa kala saxiixday isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhexmarta labada Hey’adood ee labada dal ee Soomaaliya iyo Nigeria.” Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Hey’adda NISA.

Wax faahfaahin ah oo intaas dheer kama bixinayo qoraalka NISA socdaalka uu ku yimid dalka Agaasimaha guud ee hey’adda sirdoonka dalka Nigeria Axmed Abubakar Rufaaci.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.