AFRICOM oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

0

Hawlgalka dowladda Mareykanka ee qaaradda Afrika ee magaciisa loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegay in weerar dhanka cirka ah oo ay ka gaysteen gobolka Jubbada Dhexe ay ku dileen mid ka mid ah dagaalamyaasha Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay sigaar ah uga dhacday meel u dhaw degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ka mid ah goobaha ay Al-Shabaab uga xoogan yihiin dalka.

Sidoo kale AFRICOM waxa ay sheegtay in qiimeen ay sameeyeen weerarka kadib ay ku ogaadeen in dad shacab ah aysan weerarkaasi waxyeello ka soo garin.

Mareykanka ayaa sanadkan oo qura gudaha Soomaaliya ka gaystay tobanaan duqeymo ah, kuwaas oo uu ku beegsaday dagaalamyaasha Al-Shabaab iyo Daacish , waxaana la sheegay in duqeymahaas ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.