Xasan Daahir Aweys: “Sheikh Shariif waan ku aqaane dadka ha qiyaamin”

0

Xasan Daahir Aweys oo maxbuus u ah dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weerar culus oo aan loo meel dayin ku qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed horeyna ay iskala tirsanaayeen Maxaakiimtii islaamiga.

Xasan Daahir ayaa Shariif Sheikh ku eedeeyey inuusan isaga cadowga iyo mooryaanta ka saarin dalka balse uu isaga si fudud ku helay xilka uuna mid cidlaa uga tagay dadkii shaqadaas qabtay.

Wuxuu ku eedeeyey inuu Sheikh Shariif yahay nin dadka ku daneysta  markii dantiisa uu gaarana meel cidlaa uga taga.

Xasan Daahir ayaa Shariif Sheikh ugu baaqay inuu Alle ka cabsado isla markaasna uu joojiyo dadka uu qiyaamayo.

” Siyaad Barre si fudud ayuu xilka ku helay si baasna waa uga tagay, waxaana sidaas oo kale la mid ah Sheikh Shariif  oo meel sahlan ka helay haddana meel cidlaa uga tagay, weliba Sheikh Shariif wuxuu Siyaad Barre uga duwanaa magaca Alle ayuu xilka ku qaatay, magaca Alle markaa ku qaadatayna meel cidlaa uga tagtay, haddii ay tahay mabda’ meel cidlaa uga tagtay, dadkiina meel cidlaa uga tagtay” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo bartiisa Facebook si toos ah muuqaal uga soo galay.

Xasan Daahir Aweys ayaa Shariif Sheikh Axmed ku eedeeyey inuusan ka cabsaneyn in dadka nacaan, wuxuuna sheegay inay jiraan dad badan oo Sheikh Shariif ku qatalan.

Wuxuu ugu dambeyntii sheegay inuu Shariif ka quustay markii uu codka siin waayey madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud waqtigii Doorashada ee sanadkii 2016-kii.

” Markii ugu dambeysay Xasan Sheikh ayuu siin waayey 40 cod oo uu heystay xilligii doorashada, howsha waxay aheyd qabiil, markii uu codka siin waayey ayaan ka quustay Sheikh Shariif” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.