RW Kheyre oo kulan gaar ah la yeeshay Emmanuel Macron

0

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo gaaray dalka Faransiiska ayaa waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Emmanuel Macron.

Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal,horumarka ay Soomaaliya gaartay iyo taageerada Faransiiska ee Soomaaliya.

Sidoo kale R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu madaxweynaha ka dalbaday in gacan weyn laga siiyo sidii soomaaliya loogu cafin lahaa deynta lagu leeyahay.

Ra’iisul Ra’’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweynaha Faransiiska waxaa uu uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada Paris.

Xasan Cali Kheyre  ayaa dalka Faransiiska waxa uu u tegay ka qeyb-galka shirka Nabada Paris oo looga hadlayo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka,isaga oo u safri doona magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee midowga Yurub.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.