Madaxweynihii Bolifiya oo magangelyo ka helay dalka Mexico.

0

Madaxweynihii is casilay ee dalka Buliifiya Evo Morales  ayaa sheegay inuu aqbalay magangalyo siyaasadeed oo uu ka helay dawlada Maksiko.

Qoraal uu M/weyne Evo Morales dhigay bogiisa Twiterka ayuu ku sheegay inuu dalka iskaga baxayo oo uu tagayo dalka Mexico halkaasoo uu magangalyo ka helay.

Qoraalkiisa waxaa uu ku sheegay inuu aad uga xunyahay inuu dalkiisa ka baxo hase ahaatee waxaa uu sheegay inuu ku laabanayo asagoo awood leh sida uu yiri.

Wasaaradda arrimah dibbadda dalka Mexico ayaa sheegtay inay diyaarad gaar ah u direen M/weynaha Bulifiya taasoo geyn doonta dalka Mexico.

Xaaladda dalka Bulifiya ayaa qasan waxaana isku dhacyadii ugu dambeeyay ee dhex maray ciidamada amaanka iyo taageerayaasha dawlada ku dhaawacmay 20 ruux

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.