Maamulka gobolka Banaadir oo farageliyey xiisaddii ka taagneyd degmada Kaxda

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa farageliyey xiisad salka ku heysay dilal la xariira aanooyin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka, ahna guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Ibraahim Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la xaliyey xiisadii ka taagneyd Kaxda, kadib kulamo uu la qaatay odayaasha dhaqanka ee degmadaas.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya gacan bir ah lagu qaban doono cidkasta oo fal ami darro ah ka geysata halkaasi.

Dhankooda odayaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir inuu soo farageliyo xiisaddaasi, islamarkaana uu si deg deg ah ku xaliyo, iyagoo sheegay in ay kala shaqeyn doonaan xasilinta amniga.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ka dhacayey dilal ku saleysan aanooyin qabiil, waxaana lagu dilay dad badan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.