Maamulka G/Banaadir oo xabsiga dhigay askar qaadanaysay lacago baad ah

0

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeer uu galabta ku tagay mid ka mid ah baraha koontorool ee laga soo galo magaalada Muqdisho uu ku soo arkay askar lacago baad ah ka qaadaya dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay Mahad-Alle in socdaal uu ku tagay Isgoyska Ex koontorool Afgooye oo Bar koontorool oo lagu qaado canshuurta laguna baaro gaadiidka soo galaya magaalada ay ku leeyihiin ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya uu ku soo arkay askar aan heysan wax boono ah, isla markaana gadiid-leyda ka qaadaya lacago baad ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen ilaa labo askari oo ka tirsan ciidanka Booliska kuwaas oo lagu soo qabtay iyagoo qaadaya lacag aan sharci aheyn, isagoo soo ban dhigay lacag badan oo shilin Soomaali ah, taas oo ay dad shacab ah ka qaadeen askarta la xiray.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay inay sharciga marsii doonaan askarta ay soo qabteen galabta ee shacabka ka aruursanayay lacagaha baada ah.

Ibraahim Mahad-Alle guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in xilliga ay soo qabanayeen ragaan uu kormeer ku tagay goobo badan oo ku kala yaala degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu qaado canshuurta maamulka gobolka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.