Diyaaradaha Israel oo duqeyn ka geystay marinka Gasa ee dhulka Falastiin

0

Diyaaradaha Dagaalka Yahuuda ayaa duqeyn ku dilay hogaamiye sare oo ka tirsan ururka hubeysan ee Islamik  Jihad oo ka dagaalama dhulka Falastiin ee Yahuudu haysato

Hogaamiyahaan la dilay oo  lagu magaacbi jiray Baxaa Abuu Al-Cataa ayaa waxaa uiu ku geeriyooday gantaal ku dhacay gurigiisa oo ku yaala marinka Gasa ee dhulka reer Falastiin.

War kasoo baxay ururka Islaamik  Jihaad ayaa lagu sheegay in hogaamiyahaan iyo xaaskiisaba ay ku geerityoodeen duqeynta dhacday.

Labo ruux oo kale oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay duqeynta maanta dhacday.

Ururkaan hubeysan ee Islaamik Jihaad la yiraahdo waxay sidoo kale sheegeen in diyaaradaha Israel ay duqeyeeyeen xafiis ay ku leeyihiin magaalada Dimishiq ee caasimada dalka Suuriya inkastoo aan la sheegin khasaaraha ka dhashay.

Warbaahinta Syria ayaa sheegtay in weerarka dhacay magaalada Dimishiq uu ka bad baaday sargaalkii bartilmaameedka ahaa hase ahaatee wiil uu dhalay ayaa ku geeriyooday.

Militryga Israel waxay sheegeen inay qaarjiyeen hogaamiye ay ku tilmaameen inuu weeraro diyaarinayay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.