Wafdi uu hoggaaminayo Shariif Sheikh oo laga hor istaagay Garoonka Aadan Cadde

0

Wafdi ka socday Madasha Xisbiyada Qaran oo lagu waday in ay maanta gargaar gaarsiiyaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa laga hor istaagay in ay ka baxaan garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xubnaha maanta lagu xayiray garoonka Aadan Cadde ayaa noo sheegay in aysan garaneyn waxa loo cuskaday in laga hor istaago ka dhoofidda Garoonka xilli ay gargaar u wadaan dad ku dhibaateysan qeybo ka mid ah gobolada dalka oo ay ugu horeyso magaalada Beledweyne.

Wafdiga la xayiray ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha Madasha Shariif Sheikh Axmed waxaana qeyb ka ahaa masuuliyiin uu ku jiro madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud, waana markii labaad oo Shariif Sheikh Axmed loo diido in uu ka baxo garoonka Aadan Cadde.

Arintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo isla hadda ay garoonka Aadan Cadde ka baxayaan wafdi kale oo ay hoggaaminayaan Ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.