Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore oo ku wajahan Beledweyne

0

Wafdi uu hogaminaayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh  Axmed ahna guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran  ee ay ku midoobeen xubnaha mucaaradka  ah ayaa maanta ku wajahan magalaada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay saameen ku yeelatay fataahada wabiga Shabeelle oo mara magaladaasi.

Xubnahaan ku sii jeedo maanta magaalada Baladweyne ayaa waxaa kamid ah madaxweynhii hore ee Soomaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo xubno badan oo ka tirsan madasha xisbiyada qaran.

Madasha Xisbiyada ayaa xalay waxa ay magacaabeen Guddiga gurmadka fatahaadaha, iyadoo gargaar ka socda Madasha oo loogu tala galay dadka ku barakacay fatahaadaha la geyn doono deegaano ka tirsan gobolada dalka oo ay saameen ku yeesheen fatahadaha wabiyada Jubba iyo Shabeele iyo daadad ku soo rogmaday ka dib roobab ka da’ay.

Hoggaanka Madasha Xisbiyada ayaa sheegay  inay qeyb ka yihiin dadaalada loogu gurmanayo dadka ku barakacay fatahaadaha, waxaana madasha gaarsiin doonaan gargaar kala duwan deegaanada ay fatahaadaha ka dhaceen.

Magalada Beledweyne ayaa waxaa ka taagan xaalad adag oo dhanka nolasha ah, kadib markii magalaadaas uu ku fatahad wabiga Shabeelle biyuhuna ka kormareen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.