Soomaaliya oo Hindiya uga qeyb galaysa Shir looga hadlayo arrimaha garsoorka aduunka

0

Shirka  Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka ayaa waxa uu ka furmay dalka Hindiya, iyadaoona sanadkaan ay ka qeyb-galayaan xubno ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ee qeyb-galaya shirkan ayaa waxaa ka mid ah oo Garsoore Saalax Sheikh Ibraahim Dhiblaawe, Garsoore Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo Safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya Ambassador Faadumo Cabdullaahi Maxamuud.

Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii ay u wada Shaqeyn lahaayeen Maxkamadaha Aduunka, si cadaalad ahna bulshada caalamka loogu garsoori lahaa iyo sidoo kalena khibrado dhanka garsoorka ah la isku dhaafsan lahaa.

Xubnaha ka socda Garsoorka Soomaaliya ee shirkaasi ka qeyb-galaya ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Garsoorayaasha Maxkamadaha adduunka ee shirkasi goobjooga ka ah, iyaga oo kala hadli doona sidii Soomaaliya dhinaca Garsoorka looga taageeri lahaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.