Dad ku dhintay dab wali ka holcaya qaybo ka mid ah dalka Australia.

0

Ugu yaraan sadax ruux ayaa dhimatay halka afar ruux oo kalana lagu la’yahay dabka wali ka holcaya qaybo kamid ah dalka Australia.

Masuuliyiinta waaxda dab damiska ayaa ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto waqti walba.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Australia  Scott Morrison ayaa sheegay in milatarriga dalkaasi ay tahay in ay caawiyaan laamaha ku mashquulsan dab damiska.

Boqolaal ruux oo shacab ah ayaa si mutadawacnimo ah kaga qayb qaadanaya daminta dabka iyagoona sidoo kale garabsiinaya dadka uu dabku saameeyay.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Australia Mr Morison ayaa sidoo kale tacsi u diray dhamaan ehelada dadka naftooda ku waayay dabka.

Masuuliyiinta waaxda dab damiska ayaana xaqiijiyay in dabka uu bur buriyay illaa iyo 150 guri.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.