Xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii Dhooba-daareed oo ka taagan Puntland

0

Waxii ka dambeeyay 7-dii bishan oo ku beegneed maalintii khamiista oo baarlamaanka maamulka Puntland ay kalsoonidii kala laabteen guddoomiyahoodii Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhooba-daareed ayaa waxaa soo if baxayay khilaaf siyaasadeed oo ka badalan kii sababay in xilka laga qaado guddoomiye Cabdixakiim.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xiisad siyaasadeed oo salka ku heyso xilka qaadistii guddoomiyaha laga dareemayo inta badan magaalooyinka iyo gobolada mamulka Puntalnd.

Xiisada ayaa timid, kadib markiii uu guddoomiye Dhoobo-daareed ka horyimid kalsooni kala noqoshadii ay  ku sameeyeen 49 mudane oo ka tirsan golaha wakiilada maamulka Puntland oo fariistay khamiistii la soo dhaafay, xilli uu guddoomiyuhu golaha u diray fasax seddax maalmood ah.

Magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa la sheegay in uu gaaray Cabdixakiim Dhooba-daareed, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay odayaasha dhaqanka magaaladaas, waxaana la filayaa in maanta uu gaaro magaalada Badhan ee isla gobolkaasi Sanaag.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.