Taliyihii ciidanka Ahlu-Sunna ee Gurceel oo iska dhiibay Dhuusamareeb

0

Cabdul Daahir Rooble oo ah taliyaha ciidamada maamulkii Ahlu-Sunna ee u qaabil sanaa degmada Guriceel ayaa xalay la sheegay in lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, kadib markii maalmo ka hor ay Gurceel is kaga bexeen isaga iyo ciidamo uu watay oo taabacsanaa Ahlu-Sunna.

In taliyahaan iyo ciidamo uu wato ay soo gaaraan Dhuusamareeb ayaa waxaa la sheegay in ka dambeysay, kadib markii uu wada hadal dhex maray taliyaha Guutada 15aad ee qeybta 21aad Gen. Mascuud Maxamed Warsame oo ay weheliyeen xubno kale oo uu ka  mid yahay Maxamed Axmed Cantoobo guddoomiyihii hore ee degmada Hodan.

Sarkaalkaas iyo ciidamo uu watay ayaa habeenno ka hor si nabad ah uga baxay magaalada Gurceel, kadibna waxaa gacan ku heynta magaaladaas la wareegay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

30KM deegaan dhanka waqooyi uga began Gurceel ayey ku sugnaayeen taliyaha iyo ciidamadiisa maalmihii la soo dhafay, sidoo kale waxaa la sheegayaa in ciidamada uu la soo xarooday taliye Cabdul ay qeyb ka yihiin ku sidaan oo kale iyaguna ka baxay magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.