Muqdisho iyo gobolada dalka oo laga xusayo 12-ka Mowliid iyo dowladda oo fasaxday shaqaleheeda

0

Maanta magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolada dalka Soomaaliya waxaa laga xusayaa munaasabadda 12-ka Mowliid oo ah maalintii uu dhashay Nabigeena Muxamed NNKH.

Munaasbaaddaan darteed ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dhajiyay boorar waa weyn oo lagu daabacay kalmadu lagu amaanayo rasuulka CSW.

Shaqaalaha dowladda ayaa Khamiistii loo sheegay inay fasaxyihiin Sabtiga maanta munaasabadda dhalashada Nabi Muxamed aawadii, kaddib warqad ka soo baxday wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xuumamadda Soomaaliya.

Xuska maanta ee 12-ka Mowliid ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb gelaya sida qorshuhu yahay masuuliyiin dowladda ka tirsan iyo culumaa’udiin.

Dadweyne fara badan oo ka kala yimaada 17-ka degmo ee gobalkaan Banaadir ayaa ka qeyb gelaya xuska 12-ka Mowliid oo lagu qabanayo qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka, iyaga oo badanaa wejiyada ku xirta marya cad cad oo kalmado lagu ammaanayo Nabigeena Muxumad NNKH ay ku qoranyihiin.

Waxaa xusid mudan in masaajidda magaalada Muqdisho laga akhriyo dikri sidoo kale laga dhiibo cunto sadaqo ah inta lagu guda bishan Mowliid.

Xuska maanta oo kale 12-ka Mowliid ayaa culumada qaar waxa ay ku sheegeen inay banaan tahay, halka culuma kalena ay sheegeen inaysan banaaneyn, balse waxaa badan inta aaminsan in maanta oo kale la weyneeyo dhalashadii Nabi Muxamed NNKH.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.