Mike Pompeo oo weerar afkaa ku qaaday Ruushka iyo Shiinaha xilli uu ku sunaa Berlin

0

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo ayaa waxa uu ka digay in khatarta Ruushka iyo Shiinaha, waxa uuna ku baaqay in la kobciyo Nato laga hortago “caqabadaha maanta taagan”.

Mr Pompeo oo booqasho ku jooga magaalada Berlin ayaa sheegay in habka Shiinaha uu u isticmaalayo dadkiisa ee caburinta ah ayaa waxa ay u eg tahay habkii naxdinta badnaa ee ka dhacay Bariga Jarmalka.

Ruushka ayuu dhanka kale ku eedeeyay inuu xoog ku galaayo dalalka dariska ah sidoo kalana uu baacsanayo mucaaradka.

Waxa uu ku qoslay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kaas oo dhawaan yiri Nato waa “maskax dhimatay”.

Hasa yeeshee Mr Pompeo ayaa waxa waxa weriyayaasha u sheegay: “Todobaatan sano ayaa laga joogaa markii la dhisay isbahaysigan, marka waa in la kobciyaa oo wax laga badelaa, waxaa loo baahan yahay in isbahaysigu uu la falgalo caqabadaha iyo dhacdooyinka jira maanta”.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri, “Haddii dalalka ay rumaysan yihiin inay kaalmo ammaan heli karaan iyagoon Nato siinayn kharashaadka ay u baahan tahay, marka haddii aanay waajibaadkooda ka soo bixin, Nato waxa ay halis ugu jirtaa inay noqoto mid aan shaqeynayn”.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.