Maxaa ka jira in dowladda federaalku ay ciidamo ka qoranayso G/Mudug?

0

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur oo la hadlay warbaahinta Puntland, ayaa  si adag u beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ka qoratay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in warkaasi ay faafiyeen dad lacag ka doonaya Villa Somalia, balse sida uu sheegay ay ku fashilmeen, maadaama aysan soo bandhigin ciidan iyo hub la wareejiyay midna.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in qaar kamid ah telefishinno oo ku tilmaamay mucaarad ay sii buun-buuniyeen warkaasi, isagoo xusay in ay la xisaabtami doonaan warbaahinta caadaysatay wararka been-abuurka ah.

“Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur.

Wuxuu intaasi raaciyay in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in wixii heer federaal ee looga baahdo gobolka Mudug ay tahay in loo soo maro xukuumadda Puntland.

“Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Axmed.

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda federaalka aysan ciidamo ka qoran karin gobolka Mudug ilaa Puntland iyo Villa Somalia ka heshiiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay ku mursansan yihiin.

Dhinaca kale, dowladda federaalka ayuu ku eedeeyay in aysan aaminsaneyn nidaamka federaalka ee lagu doortay, taasi beddelkeedana ay door-bidayso in dalka loo maamulo nidaam tuulo-tuulo iyo degmo-degmo ah sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Axmed Muuse.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.