Madaxweynihii hore ee dalka Brazil oo xabsiga laga daayay.

0

Madaxwaynihii hore ee dalka Brazil Lula da Silva ayaa xabsiga laga sii daayay in kabadan 18 bilood oo uu xirnaa.

Kumanaan ruux ayaa soo buux dhaafiyay halka uu ku xirnaa hogaamiyihii hore ee dalka Brazil kuwaas oo salaan kula dhaqaaqay markii xabsiga laga sii daayay.

Mr Silva ayaa arimo musuq maasuq loogu xiray xabsi ku yaalo magaalada Kuriitiba sanadkii 2018.

Madaxwaynihii hore ee dalka Brazil ayaa ah 74 sano jir waxa uuna dalkaasi hogaaminayay intii u dhaxeesay sanadihii 2003’dii illaa 2010’kii.

Kadib soo deentiisa ayuuna Lula u sheegay taageerayaashiisa in ay sii wadi doonaan halgankii ay horay ugu jireen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.