Dowladda Simbabwe oo dalkeeda ka mamnuucday hilbaha xoolaha looga dhoofiyo dalka K/Afrika

0

Dawlada Simbabwe ayaa dalkeeda ka mamnuucday hilbaha xoolaha ee laga dhoofiyo dalka ay dariska yihiin ee Koonfur Afrika kadib markii xanuuno laga helay lo’da  Koonfur Afrika.

War kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Simbabwe ayaa lagu sheegay in la joojiyay keenista hilbaha laga laga dhoofiyo dalka Koonfur Afrika waxaana wasaaraddu sheegtay in ayadoo laga fekerayo badqabka dadka loo joojiyay si ku meel gaar ah.

Dawlada Simbabwe waxay sheegtay in lo’da Koonfur Afrika laga helay xanuun ku dhaca cagaha iyo afka sidaas darteedna la ogaaday in fiyruskaas uu faafi karo.

Afhayeen u hadlay wasaaradda xanaanada xoolaha Simbabwe ayaa sheegay in la faray ciidamada xaduudaha illaaliya inay joojiyaan hilbaha Koonfur Afrika laga keeno inta la xaqiijinayo caafimaadkooda.

Waa markii labaad muddo sanad ah oo ay dawlada Simbabwe sheegto inay hakinayso hilbaha looga dhoofiyo Koonfur Afrika.

Dhawr dawladood oo kale oo ay ka mid yihiin Butuswana iyo Boqortooyadda Iswaasilaand ayaa sidaas oo kale joojiyay hilbaha Koonfur Afrika looga keeno.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.