Dowladda Federaalka oo maanta gargaar gaar siinaysa magaalooyinka Bardaale iyo Beledweyne

0

Guddiga gurmadka qaran ee fatahaadaha iyo wasaarada gargaarka iyo maareynta masiiboyinka ee dowladda fadaraalka ayaa maanta magaalada Bardaale gaarsiinaya laba diyaaradood oo sida dawooyin iyo gargaar si loogu gurmado dadka ay samiyeen dadaad ka dhashay roob xoogan oo halkaasi ka da’ay.

Axmed-Wali Abuukar Axmed agaasimaha gargaarka ee  wasaarada gargaarka iyo  maareynta masiibooyinka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in gargaarkaas uu maanta gaarayo degmada Bardaale ee gobolka Bay, sidoo kalane ay rajeynayaan in diyaarad kale oo gargaar sida ay isla maanta u diraan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sido kale agaasimaha gargaarka ee  wasaarada gargaarka iyo  maareynta masiibooyinka waxa uu shegay in xubna ka mid ah guddiga gargaarka iyo maareynta masiiboyinka ay ku suganyiheen magaaloyinka gargaarka la gaarsiinayo ayna ka shaqeynayaan in aan la masuq maasuqin.

Magaaloyin badan oo dhaca qeybo ka tirsan gobolada dalka waxaa saameyn ku yeeshay fatahaadda wabiyada iyo daadan ka dhashay roob ka day gobolada dalka  haba ugu darnaatee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.