Dil maanta ka dhacay G/Hiiraan iyo xiisad colaadeed oo ka dhalatay

0

Deegaan lagu magacaabo Bacda oo hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta lagu dilay qof shacab ah, halka sidoo kalana lagu dhaawacay ruux kale.

Dhimashada iyo dhaacawaan labadaas ruux ayaa yimid kadib markii nin hubaysan uu wadada u galay kadibna rasaas huwiyay gaari ka soo baxay magaalada Gurceel kubna wajahnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ninka dilka geystay ayaa goobtii ka kaxeystay gaarigii ay wateen labada ruux ee uu mid dilay midna dhaawacay, waxaana maanta deegaanka Bacda ka taagan xiisad colaadeed oo ka dhalatay falkaas.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka iyo waxgarad ayaa gaaray isla maanta deegaanka Bacda oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Beledweyne oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Dilka maanta ka dhacay deegaankaas ayaa loo malaynayaa in uu salka ku hayo dagaal beeleed muddo sanado ah ku soo noqnoqanayay xadka ay wadaagaan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.