Dad badan oo guryahooda ka qaxaya dalka Bangladesh.

0

Qiyaastii 100 kun oo ruux ayaa ka qaxay guryahooda dalka Bangladesh kadib markii ay soo baxday in duufaan ku wajahantahay

Mas’uuliyiinta dawladda waxay sheegeen in dufaanta Bulbul ay ku wajahantahay dhawr tuulo oo xeebaha Bangladesh ku yaala.

Dawladdu waxay amartay in dadku ka guuraan magaalooyinka xeebaha ku yaala waxaana la faray inay dagaan meelo joog sare ah si ay uga badbaadaab daadadka ka dhasha roob duufaantu wadato.

Hay’adda saadaashada hawada dalka Bngladesh waxay sheegeen in maanta galinka dambe ay ku wajahantahay dufaanta Bulbul oo saacadii jaraysa masaafo dhan 120 km gobolka Khulna la yiraahdo.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa qorshuhu yahay in dawladu u gurmato oo ay dajiso meel badqab ah sida uu sheegay agaasimaha hay’adda maareynta masiibooyinka Shah Kamaal.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.