Guddoomiye Cumar Filish oo safarkii u horeeyay ugu ambabaxay dalka Koonfur Afrika

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish) ayaa safarkii u horeysay xalay uga ambabaxay dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa u ambabaxay magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ee Baarlamaanada Barasaabyada Global Parliament of Mayors (GPM).

Safarka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehliya Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq iyo xubno kale

Waa safarkii u horeeyay ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir u ambabaxo, tan iyo markii loo magacaabay xilka labo bil ka hor.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.