Xasan Sheikh “Khad gaduudan, khatar ah oo laga tillaabi karin waaye muddo kororsi”

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka digay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay sameysato mudo kororsi, xili uu gabaabsi yahay muddo xileedkeeda.

Hadal uu ka jeediyay Munaasabadda daah furka Madasha Xisbiyada Qaran ayuu ka sheegay in madaxda xilligan talada dalka heyso looga fadhiyo inay ku dhaqmaan sharciga, wuxuuna Shacabka u soo jeediyay iney iska diidaan wax kasta oo Dastuurka ka hor imaanaya.

“khad guduudan ooo khatar ah oon laga talaabi karin waaye Kororsiimo,fariintaas madaxweynaha bas maku socoto, madaxda kale ee hay’adaha kale ee Dastuuriga ah yaaney ku fikirin, fulay xantiisa ma moogaa la yiri, hay’ad waqtigeeda la dhaafinaayaa majirto, waa la dooranaa, waqtiga yaaney ka dhciinee ololohooda hada ha bilaabeen” ayuu yiri Xasan Sheikh.

Waxaa uu dhinaca kale dhaliilay sida dowladda ay ula dagaalameyso dadka Siyaasadda ay wax ku maamusho ka soo horjeedsada, isagoo tilmaamay in dadku ay Siyaasiyan xaq u leeyihiin in ay aragtiyadooda cabiraan.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu danbeyn madaxda dalka talo ahaan u soo jeediyay iney wixii waaya aragnimo ah weydiistaan Raggii Xukunka uga horeeyay, iyagana diyaar ay u yihiin iney talooyinkooda ku biiryaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.