Guddoomiye ku xigeenkii G/Shabeellada Hoose oo caawa la dilay

0

Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Shabeellada Hoose Cumar Maxamed Carabey ayaa goor dhaw qarax lagu dilay.

Allaha u naxariistee guddoomiye Cumar ayaa koox hubeysan waxa ay Bam gacmeed ku weerartay guriga uu ka deganaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhawaac halis ah oo ka soo gaaray qaraxaas ayaa la isku dayay in loola craro isbitaalada magaalada Muqdisho balse mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Afgooye ayaa noo xaqiijiyay in uu dhex ku geeriyoday.

Waxaa goobta is kaga baxsaday kooxdii Bam gacmeddka ku weerartay gurigiisa ee dhaawaca uu u dhintay u geysatay, waxaana haatan inta badan xaafadaha ee ka koobantahay degmadu baaritaano ka wada ciidamada booliska ee ka howlgala degmada Afgooye.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.