Guddoomiyaashii degmooyinka G/Gedo iyo Taliyaal ciidan oo xabsiga la dhigay Muqdishana loo soo wado

0

Mas’uuliyiinta kala ah: Guddoomiyaha degmada Luuq Mohamed Cabdullaahi Gardhuub, Guuddomiyaha  Beled-Xaawo Cabdicasiis Xareed Abdullaahi, Guddoomiyiha degmada Doolow Bashiir Xasan Cabdullaahi iyo taliyaal ciidan oo ka tirsanaa maamulka Jubbaland oo ay ka mid yihiin, Axmed Ilka-dheere, Jamaal Xasan iyo xubno kale ayey maanta xirxireen ciidamo ka kala tirsan Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Maamulada degmooyinkaas ayaa toos u hoos tagi jiray Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan wasiirkii amniga Jubbaland oo haatan u xiran dowladda dhexe, kuna xiran Muqdisho.

Mas’uuliyiinta maanta lagu xiray gobolka Gedo ayaa la sheegay in loo soo qaadayo magaalada Muqdisho, waxaana xarigooda loo adeegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo ciidan ka tirsan xoogga dalka oo qaarkood dhawaan la geeyay gobolkaas.

Markii la xirayay xubnahaan waxaa lagu siray in ay shir uga qeyb galayaan magaalo yar oo dhacda xadka ay Soomaaliya la wadaagto Itoobiya, kadib markii ay gaareen halkaasna waa la xirxiray dhamaantood, waxaana ku jira  xubnaha  qaar ka mid ah guddoomiye ku xigeenadii degmooyinkaas.

Dhinaca kale in ka badan 150 askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo ku sugnaa magaalada Beled-Xaawo ayaa isku dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala degmada Luuq ee gobolka Gedo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.