Dowladda Yemen iyo kooxda gooni u goosadka dalkaas oo gaaray heshiis nabadeed.

0

Dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yemen iyo kooxda gooni ugoosadka oo ay taageerto dowladda Imaaraatka ayaa gaaray heshiis awood qaybsi ah.

Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohamed Bin Salman ayaa ku dhawaaqay heshiiska.

Amiir Salmaan ayaa ku tilmaamay heshiiska Riyaadh lagu kala saxiixday in uu yahay talaabo horay loogu qaaday xal siyaasadeed iyo dhameenta dagaalka afar sano jirsaday ee dalka Yemen.

Heshiiska ayaa dhigayo in isku shaandheen lagu sameeyo ciidamada dowladda iyadoona labada dhinac qaab isku mid ah loogu qeebin doono ciidamada.

Dhamaan ciidamada militariga iyo kuwa amaanka ayaa si iskumid ah uga wada shaqeen doono wasaaradaha gaashaandhiga iyo arimaha gudaha.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.