Ciidamo ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland oo ku biiray xoogga dalka qeybtiisa Gedo

0

Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku waramaya in ciidan ka tirsanaa daraawiishta maamulka Jubbaland oo ku sugnaa magaalada Beled-Xaawo ay saakay gaareen degmada Luuq ee isla gobolka Gedo.

Ciidamadaas oo sida aan warka ku heleyno tiro ahaan gaaraya 150 askari ayaa ku biiray ciidan ka tirsan xoogga dalka oo horay u joogay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kuwaas oo ka amar qaata taliska guud ee ciidanka xoogga dalka.

Dhaq-dhaqaaqyo ay samaynayaan ciidanka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jiraan magaalooyin ay ka mid yihiin Luuq iyo Beled-Xaawo.

Sidoo kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in guddoomiyaasha degmooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq looga yeeray magaalada Muqdisho caasimadda dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.