Al-Shabaab oo markii ugu horeysay baahiyay muuqal laga duubay hoggaamiyahooda

0

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay Muuqaal soconaya in ka badan 50 daqiiqo oo laga soo duubay hoggaamiyahooda Axmad Cumar Abuu Cubeyda.

Muuqaalkan ayaa intiisa badan uu Abu Cubeyday uga hadlay weerarkii dabayaaqadii September ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada ugu weyn ee ciidanka Mareykanku ay ku leeyihiin Soomaaliya ee Ballidoogle iyo arrimo kale.

Muuqaalka waa laga qariyey wejiga Abu Cubeyda, waxaana la tusinayaa kaliya gacmihiisa. Waxaa sidoo kale muuqaalka ku jira kooxdii fulisay weerarka saldhigga Balli-doogle.

Muuqaalkaan oo ah kii ugu horeeyay oo uu ka soo muuqday hoggaamiya Al-Shabaab ayaa waxuu sidoo kale ku dheeraaday ka hadalka howlgalka ciidanka Mareykanka ee AFRICOM oo uu sheegay in ay dagaalka ugu badan kula jiraan.

Abuu Cubeyda ayaa qeybaha dambe ee warbixintiisa lagu soo bandhigay sagootin la sheegay in uu ejeedinayo kooxdii fuliyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Ballidoogle oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka Mareykanku ay ku leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose.

Warbixinta laguma cadeyn goobta uu halkas ka jeediyay hoggaamiyaha Al-Shabaab ninka lagu magacaabo Axmed Cumar Abuu Cubeyda, waxuuna kooxda kula dardarmayaa in halka ay beegsanayaan ee Ballidoogle in ay tahay m meesha ay ka soo duulaan diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee duqeynta ugu geysta kooxda gobolada ay kaga suganyihiin dalka.

30-kii bishii 9aad ee sanadkaan goor subax ah ayey Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhigga Ciidanka Mareykanku ay ku leeyihiin Soomaaliya ee Ballidooge, halkaas oo mareykanku uu ku tababaro ciidamo Soomaali ah oo ay ugu horeeyaan Ciidanka Danab ee qeybta ka ah xoogga dalka.

Xerada waxaa wada degan ciidamo Soomaali ah, kuwo AMISOM ah iyo kuwo Mareykan ah, waxaana halka ay ka duulaan inrta badan diyaaradaha duqeynta ka geysta gobolada koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Isla maalinta uu dhacay weerarkaas Taliska mareykanku waxa uu shaaciyay in weeararkaas uusan ka soo gaarin wax khasaare ah ciidankii ku sugnaa saldhigga, gabi ahaana ay laayeen kooxdii ku soo qaaday weerarka, iyagoo soo bandhigay sawirada meydadka kooxdii qaaday weerarka iyo muuqaal kooban oo laga duubay xilli gantaal lagu dhufanayay gaari ka soo horeeyay dagaalamayaasha oo la aaminsanyahay in uu bilaaw u noqa rabay weerarka Al-Shabaab ay ku qaadayeen saldhigga Ballidoogle.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.