Daacishta ku sugan Soomaaliya oo war ka soo saartay hoggaanka cusub ee Kooxda

0

Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war ka soo saartay dilka hoggaamiyahoodii Abuu-bakar Al-Baqdaadi oo todobaadkii hore ciidamada dowladda Mareykanku ay ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Waqooyi bari dalka Suuriya.

Warbixin ay ka qortay wakaaladda Reuters ayaa lagu soo ban dhigay sawirada kooxda oo isku aroorsaday goob keyn ah oo geeda hoos tood ah oo lagu sheegay inay tahay buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

Daacishta ka dagaalanta

Soomaaliya ayaa war ka soo baxay ku sheegtay in ay soo dhaweynayso hoggamiyaha cusub ee kooxda Daacish, kaas oo fadhigiisu yahay dalka Syria oo kooxdani ay ku xoogantahay.

Sidoo kale waxay ku sheegeen warka soo baxay in ay daacad u yihiin hoggaanka cusub ee kooxda si buuxdana ay ula shaqey doonaan.

Hadalka kooxda ayaa ku soo aadaya iyadoo maamihii lasoo dhaafay Sawirada hogaamiayaha cusub ee kooxda lagu baahiyay bartooda Aaladda Telegramka ee Kooxda.

Hoggaaamiyaha cusub ee kooxda Daacish ayaa waxaa lagu dhawaaqay khamiistii la soo dhaafay, iyagoona wacad ku maray in ay ka aarsan doonaan dilka Hoggaamiyahoodii Abuu Bakar  dowladda Mareykanka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.