Qarax galaaftay nolosha dad badan oo ka dhacay xadka Turkiga iyo Suuriya

0

Ugu yaraan 13 ruux ayaa geeriyootay kadib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray magaalo ku taalla xadka Turkiga uu la wadaago dalka Suuriya sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga ee dalka Turkiga.

Magaalada uu qaraxa ka dhacay oo lagu magacaabo Tal Abyad, ayaa kamid ah magaalooyin dhawr ah oo ay ciidamada Turkiga kala wareegeen beeshii lasoo dhaafay dagaalamyaasha Kurdiyiinta.

Qaraxa oo ay ku dhinteen 13 ruux oo shacab ah ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 20 ruux oo kale sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee dalka Turkiga.

Hay’ad udoodo xuquuqda aadanaha fadhigeeduna yahay magaalada London ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhinteen dagaalamyaasl katirsan kuwa tageero dowladda Turkiga iyo dad shacab ah.

Wali majirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.