Puntland oo shacabka u dirtay farriimo digniin ah

0

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa maanta soo saartay digniin ku socota dadka degan dhanka xeebaha oo la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin roobab iyo dabeylo xoogan.

Wasaaradda oo fariimo digniin ah dadka ugu dirtay taleefanadooda ayaa ugu baaqday in ay ka fogaadaana xeebaha iyo meelaha togaga ah, si looga baaqsado waxyeelo ka dhalata duufaanadaasi laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qeybo ka mid ah gobolada Puntland.

“Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay ku wargilineysaa dadka degan xeebaha Puntland,gaar ahaan gobolada bari sida, Sanaag, Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar in dabeylo xoogan oo roob wata ay inagu soo fool leeyihiin sida ay sheegeen qolyaha saadaasha hawada, hadaba taxaddar badan hala qaato.” ayaa lagu yiri farriimaha loo diray dadka ku nool qeybo ka mid ah gobolada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.