Qarax lagu dilay dad shacab ah oo ka dhacay Sh/Hoose

0

Ilaa seddax ruux oo sida la sheegay shacab ah ayaa ku geeriyootay qarax miino oo ka dhacay degaanka Muuri ee gobalka Shabeelada Hoose, sida dadka deegaanka ay noo xaqiijiyeen.

Qaraxa ayaa haleelay Mooto laba lugaaleey (FEKON), taas oo ku soo jeeday degmada Afgooye ee isla gobolka Shabeellada Hoose, waxaana halkaas ku geeriyooday seddax ruux oo Mootada saarnaa.

Xiliga uu qaraxa dhacayay waxaa daqiiqado ka hor ayaa waxaa la sheegay in uu goobta ka gudbay gaari Cabdi-Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya, kaas oo ka horeeyay mootada uu haleelay qaraxa.

Intaa kadib ciidamada ayaa furay rasaas mana jirto inta la ogyahay wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta ay fureen ciidamada dowladda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.