Maxuu yahay u jeedka Xildhibaanada Uganda ee soo garay Muqdisho?

0

Xubno ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa booqasho qaadaneeysa muddo todobaad ah waxay uga bilaabatay Soomaaliya si ay u qiimeeyaan ciidankooda ka tirsan Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay AMISOM oo lagu daabacay Independent, Xildhibaanadu waxay saldhigyadda furinta hore waxayna dhex geli doonaan Ciidanka Uganda iyo Taliyaashooda ka howlgala Soomaaliya.

Waxay sidoo kale la kulmi doonaan hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed e jooga meelaha ay amnigooda masuulka ka yihiin ciidanka Uganda.

Wafdiga Baarlamaanka Uganda ka socda waxaa hogaaminaya Wasiiru Dowladaha Gaashaandhigga Col. Charles Engola Okello iyo gudoomiyaha guddigga difaaca iyo arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Doreen Amule.

Uganda waa wadankii ugu horeeyay ee Ciidanka keenay Soomaaliya sanadkii 2007-dii waana wadanka ugu ciidanka badan howlgalka AMISOM.

 Xildhibaanadda Uganda ayaa sidoo kale waxay ka kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, sida lagu sheegay war uu daabacay website Uganda laga leeyahay.

Kulankoodii ugu horreeyay waxay wafdigu layeesheen hogaanka howlgalka AMISOM gaarahaan Simon Mulongo oo ah ku xigeenka wakiilka Midowga Africa iyo Taliyaha Guud Tigabu Yilma.

Marka ay dhameystaan todobaadka ay shaqadda ku joogaan Soomaaliya waxay Wafdifaan warbixin ku celin doonaan Baarlamaanka Uganda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.