Kulamo gooni gooni ah oo xalay ka dhacay Dhuusamareeb

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Kulamada oo ahaa kuwa xal raadin ah ayaa waxaa garwadeen ka ahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Ujeedada kulamadan ayaa ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa xiisada siyaasadeed ee haatan u dhexeysa dowladda federaalka iyo hoggaanka Alhu-Sunna Waljamaaca.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay gooni gooni ula kulmeen labada dhinac, waxaana ay tilmaameen inay diyaar u yihiin in ay xaliyaan khilaafka.

Sidoo kale warar aan helnay ayaa sheegaya in maanta  magaalada Dhuusamareeb ay ku wajahanyihiin wafdi ka socda dowladda federaalka, kuwaas oo u kuur galaya sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay dhismaha maamulka Galmudug.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.