Dibadbaxyo ka dhan ah wadooyinka xiran oo maanta ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho

0

Wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ayaa maanta qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho waxa ay ka wadaan banaanbaxyo.

Boqolaal dadweyne ah ayaa dibadbaxyo rabshado wata ka dhigaya inta u dhaxeysa Isgoysyada Soobe iyo Danwadaagta ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dadkaas ayaa ka cabanaya wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in laga qaado canshuur xad dhaaf ah, isla markaana aysan jirin meel ay ka shaqeeyaan canshuurta laga doonayo iyo biilka qoysaskooda.

Mid ka mid ah darawalada gaadiidka dad weynaha ee banaanbaxa dhigaya oo nala soo xariiray ayaa sheegay in gaadiidkoodii ay iska xareeyeen kadib markii ay waayeen wadooyin ay uga shaqeystaan iyadoo taasi jirtana si joogto ah looga doonayo canshuur aan eegin halka ay ka soo galeyso.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.