Ciidamo hor leh oo saakay laga dajiyay Dhuusamareeb

0

Ciidamo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa saakay la geeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta mamulka Galmudug.

Ciidamada oo saakay waabarigii hore diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 60 askari oo ah ciidamada sida gaar ka ah u tababaran.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta ka dambeysa ciidamadaas la geeyay magaalada Dhuusamareeb, waxayna wararka qaar sheegayaan in xubno ka tirsan madaxda ugu sareysa dalka ay ku wajahanyihiin magaaladaas.

Shalay ayaa sidan oo kale ciidamo ka socda dowladda federaalka waxaa laga dajiyay magaalada Dhuusamareeb, waxaana xusid mudan in uu jiro khilaaf ka dhaxeeya hoggaanka sare ee Ahlu-sunna iyo dowladda dhexe, kaas oo salka ku haya hanaanka loo marayo dhismaha maamulka Galmudug

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.