Duqeyn lagu dilay xubno Daacish ah oo ka dhacday Gobolka Bari

0

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan kumaan dooska Soomaaliya Diyaarado dagaal oo aan la shaacin dalka laga leeyahay ayaa duqeyn ka geystay buuraleyda deegaan lagu magacaabo Camayra oo ka tirsan gobolka Bari ee Puntland.

Dadka shacabka ah eek u nool deegaanadaas ayaa iyaguna sheegay in ay marleen ilaa afar gantaal oo ay diyaaraduhu ku garaaceen deegaankaas.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish.

Ilaa seddax dagaalame oo ka tirsan Daacish ayey sheegeen saraakiishu in lagu dilay duqeyntaas oo ka dhacday saldhig ay Daacishta ka dagaalanta Soomaaliya ku leedahay dhul buuraley ah oo ka tirsan gobolka Bari.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.