Madaxwaynayaasha Turkiga iyo Ruushka oo ka wada hadlaya xabad joojinta waqooyiga Suuriya.

0

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa in kulan looga hadlayo xabad joojinta waqooyi bari dalka Suuriya uu la yeesho dhigiisa madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin.

Wadahadalka Putin iyo Erdogan ayaa diirada lagu saari doonaa dajinta xiisada kacsan ee ka jirta gobolka waqooyi bari dalka Suuriya, sida laga soo xigtay Kremlin’ka.

Waxaa maanta ku eg heshiis xabad joojin ah oo ay horay u gaareen dowladaha Turkiga iyo Mareykanka.

Hawlgalka Turkiga ee xadka Suuriya ayaa bilawday kadib markii ay halkaasi iskaga baxeen ciidama Mareykanka oo xulafo la’ahaa dagaalamayaasha Kurdiyiinta.

Ankara ayaana sheegtay in ujeedka hawlgalkeeda uu yahay sidii ay halkaasi kaga sifeen lahayd dagaalamayaasha oo ay u aragto falaago argagaxiso.

Madaxwayne Erdogan ayaana balan qaaday in ay dib u bilaabi doonaan hawlgalkooda hadii dagaalamyaasha Kurdiyiinta ay ka bixi waayeen deegaanada u dhaw xadka inkastoo afhayeen u hadlay kooxda Kurdiyiinta uu sheegay in ay ka baxeen magaalada Raasal Ceyn oo ah halka uu hawlgalku ka bilawday.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.