Xildhibaanadda Federalka oo laga mamnuucday in ay xafiisyo ka furtaan Puntland

0

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ilaa amar dambe aan la ogoleyn in Xildhibaanadda Dowladda Faderalka ah aysan xafiisyo ka furan deeganada maamulka Puntland.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay amartay gudoomiyaasha degmooyinka iyo Taliyaasha Qaybaha Booliiska in si deg-deg ah loo xiro xafiisyadii hadda ka hor laga furay deegaanadda Puntland ee ururadda siyaasadda iyo Xildhibaanadu furteen.

Iyadoo soo xiganeysa dhaq-dhaqaaqyo ay wasaaraddu sheegtay in maalmihii dambe ay ka socdeen Puntland kuwaas oo loogu magac daray “xiriirka Bulshadda iyo Xildhibaanadda” ayaa wasaaraddu sheegtay in Xildhibaanadda Faderalka aan lagu soo dooraan deegaan doorasho balse lagu soo doortay matalaadda beelaha.

Warqaadda oo uu ku sixiixanyahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa waxaa uu mamnuucista ku sababeeyay in Dowladda Faderalka ah iyo maamul goboleedyadda aysan ka dhaxay wadatashi is ogol ah.

Ma jiro weli war kasoo baxay Xildhinadda Faderalka ee ka soo jeeda Puntland, wasaaraduna ma aysan sheegin cid gaar ah oo horay xafiisyo u furatay.

Bdec9e61 C692 41d6 A6b4 3332d743c838
Bdec9e61 C692 41d6 A6b4 3332d743c838

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.