kulanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka oo buuq ku furmay.

0

HornAfrik- waxaa goordhaw Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Villa Hargeysa ee gudoonka iyo gudiyada golaha shacabka ka furmay kulanka guud ee golaha shacabka Soomaaliya oo kalfadhiga lixaad dhawaan u furmay.

kulankan ayaa ajandayaasha maanta waxaa kamid ah ka doodista heshiis ku saabsan hidaha qarsoon iyo hadal jeedinta gudoomiyaha golaha shacabka.

balse shirka ayaa u muuqda mid ku furmay buuq oo waxaa ka maqan oo loo diiday in ay wada galaan wariyaasha madaxa banaan.

wariyaasha oo qaarkood warbaahinta ka soo muqday ayaa sheegay in caburin lagu hayo loona diiday in gudaha shirka golaha shacabka wararka ka soo tabiyaan.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.