Duqa Muqdisho oo ka hadlay casilaad uu sameeyo.

0

HornAfrik– Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Finish ayaa maanta ka hadlay casilaad uu ku sameeyo gudoomiyaasha degmooyinka gobolka.

Cumar Finish oo xubno maamulkiisa ah , siyaasiyiin iyo shacab kula hadlayay xarunta degmada Wadajir ee Banaadir ayaa sheegay in aysan jirin xilka qaadis uu hadda qorsheynayo inuu ku sameeyo gudoomiyaasha degmooyinka gobolka ,balse wuxuu sheegay in gudoomiyihi laga waayo wax qabad wanaagsan laga qaadi doono xilka.

Hadalka duqa Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo maalmihi la soo dhaafay aad loo hadal hayay xilka qaadis lagu sameeynayo gudoomiyaasja degmooyinka gobolka Banaadir.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.