Taliyaha Booliska oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah taliyaasha iyo qeybaha Booliska

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa isku shaadheyn ku sameeyay qaar kamid Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska,isagoo kuwo kalena xilkii ka qaaday.

Taliyaha Booliska ayaa Magacaabay Taliyaha qeybta Booliska Waliyow Cadde,Taliyaha Saldhiga Degmada dharkeenley iyo Taliyaha Ciidanka Birmadka ee Booliska iyo taliyeyaal kale.

Sidoo kale Taliyeyaasha la magacaabay ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Taliyaasha la magacaabay oo gaaraya ilaa lix taliye ayaa kala ah:

1-Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar (Mahad Korow) ayaa loo magacaabay Taliyaha   qeybta Booliska Waliyow Cadde.

2-Cabdullaahi Mire Siyaad ayaa loo magacaabay La-taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,isagol horey u ahaa Taliyaha qeybta Waliyow Cadde.

3-Taliyaha Birmadka Ciidamada Booliska ayaa loo magacaabay  Yuusuf Xundubey oo hore u ahaa Taliyaha Saldhiga Galbeed ee G/Banaadir.

4-Yaasiin Nuur Kheyre ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Degamada Dharkeenley.

5-Gaashaanle Sare Cabdullaahi Mire Siyaad ayaa lol magacaabay Taliyaha Daraawiishta Booliska.

6-Aadan Xersi ayaa loo magacaabay Taliyaha socdaalka Ciidamada Booliska.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.