Maxay kulankooda uga hadleen Xaaf iyo guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka?

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf,qaar kamid ah golihiisa wasiirada iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa la kulmay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ujeedkiisu ahaa dhagaysi iyo talo aruurin la xariira sharciga doorashooyinka Qaranka.

Madaxweyne Xaaf ayaa guddiga u gudbiyey talaabooyin ay tahay muhiim in la qaado si dalkan ay kaga dhacdo doorasho,oo aysan muddo kororsi u dhicin,waxaana uu kaga mahad-celiyey howsha ay hayaan

Golaha wasiiradda Galmudug iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda maamulkaas ayaa aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka usoo bandhigay guddiga.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa dhankiisa sheegay in aragtiyadaasi ay qaadanayaa islamarkaasina ay qeyb kaga dhigayaan qorshooda ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaran.

Ugu dambeyntii kulanka uu guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee golaha shacabka la yeeshay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiiradda iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ayaa ku soo dhamaaday isfaham,waxaase guddigan maalmahan dambe ay wadaan la kulanka Madaxda maamul-goboleedyada,iyagoona hore ula soo kulmay madaxda maamulada Hir-shabeelle iyo Puntland,waxaase la ogeyn Jubbaland cida ay kala kulmi donaan.

1
1
2
2
4
4
5
5
6
6

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.