Khamrigii lagu qabtay Dhuusamareeb oo lagu gubay goob fagaare ah, Sawirro:-

0

Maamulka magaalada Dhuusamareeb iyo taliska Booliska magaalada ayaa goob fagaare ah ku gubay khamri lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Waaberigii hore ee saakay ayaa howlgal ka dhacay magaalada Dhuusamareeb waxay ciidamada ammaanku ku soo qabteen khamri si dhuumaalaysi ah lagu soo galiyay magaalada iyo dadkii ka ganacsanayay.

Taliyaha Booliska iyo guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb oo ka hadlay goobtii lagu burburinayay khamrigaas ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkii lagu soo qabtay khamrigaas, lagu soo qabtay ilaa seddax ruux oo ka ganacsanaysay, isla markaana cadaaladda la hor keeni doono sida ay fagaaraha ka sheegeen.

Taliyaha booliiska magaalada Dhuusamareeb Gaashaanle Cabdullaahi Xasan Macalin ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in waxyaabaha maanka dooriya oo ay khamrigu ka mid tahay la soo galiyo magaalada ciidamaduna ay si joogta ah u samayn doonaan howlgalada ay ku baacsanayaan wax waliba oo ka dhan ah xasiloonida deegaanka.

Khamri
Khamri
Khamriii
Khamriii
Qamri
Qamri
Taliyaha
Taliyaha

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.