Ciidamadii Mukhtaar Roobow, kuwa dowladda iyo Al-Shabaab ku dagaalamay Bakool

0

Faahfaahino dheeraad ah  ayaa laga helayaa  dagaal xoogan oo ka dhacay deegaano hoos taga degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu  u dhaxeeyey Ciidamada dowladda Soomaaliya Kuwa Abuu Mansuur oo isku dhinac ah   iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab  ay weerareen saldhiga ay ciidamada millateriga Soomaaliya ay  ku leeyihiin deegaan u dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Goobta uu dagaalka ka dhacay  ayaa u dhow tuulada Abal oo ay heysteen Ciidamada Shiikh Mukhtaar Cali Abuu Mansuur oo u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,hayeeshee ma shaacin khasaaraha ka soo gaaray.

Ciidamada dowladda, kuwa Roobow oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen deegaanka Abal ee hoostaga degmada xudur ee gobolka Bakool.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.