Wabiga Shabeelle oo qarka u saaran in uu fataho

0

Maamulka gobolka Hiiraan aya wada dadaalo looga baaqsan karo in uu khasaare ka dhasho Webiga Shabee oo qarka u saran in uu ku fataho magaaladda Baladweyne.

Gudoomiye ku xigeen arrimaha bulshadda maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa sheegay in weli aysan fatahaadu bilaaban balse heerka biyaha webigu ay kordheen.

Waxaa uu hadalkiisa ku daray in wacyi gelin la siiyay dadka degan jiinka webiga islamarkaana loo sheegay in ay alaabtooda aruursadaan.

Deegaanka Ceel-jaale oo ku yaala duleedka magaaladda Baladweyne ayaa loo diyaariyay in ay dadku degaan hadii uu webigu ku fataho magaalada.

“Cabsi weyn ayaa jirta waxaana billownay wacyi gelin ku saabsan sidii looga samata bixi lahaa ayuu yiri” Sheekh Xuseen Cusmaan Cali.

“7 mitir ayuu ku dhowyahay heerka webiga, hadii uu gaarana waa uu fahayaa, saacadaha soo socda ayaa fatahaad la filankaraa” ayuu hadalkiisa daray Gudoomiyaha arrimaha bulshadda gobolka Hiiran.

Kumanaan qof ayaa magaaladda Baladweyne ka barakacay sanadkii 2018-kii kadib markii uu webigu ku fatahay xaafadaha magaaladda.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.