Mareyknaka oo cunaqabateen dhaqaale saaraya dowladda Turkiga.

0

Maamulka madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheenayo in cunaqabateeno dhaqaale uu saaro dowladda Turkga horaanta todobaadkan.

Cunqabateenta dhaqaale ee Mareykanka ayaa daba socota hawlgalka Turkiga uu ka bilaabay waqooyi bari dalka Suuriya.

Ciidamada Turkiga ayaa todobaadkii hore weerar cir iyo dhul ah ku qaaday fariisimo ay leeyihiin dagaalamyaasha Kurdiyiinta.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray in ciidamada Mareykanka laga soo saaro waqooyi bari dalka Suuriya, taas oo ay hogaamiyaasha Kurdiyiinta ku tilmaameen khiyaano uu sameeyay Mareykanka.

Xoghayaha Maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Trump uu qorsheenayo in cunaqabateen adag uu saaro dhaqaalaha Turkiga.

Mareykanka iyo Turkiga ayaa labadaba kawada tirsan gaashaanbuurta Nato.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.