Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay musiibadii 14-kii October

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ka hadlay musiibadii dadka badan galaafatay ee labo sano ka hor ka dhacday Isgoyska 14-ka October ee Muqdisho ayaa u duceeyay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay halkaas.

Guddoomiye cabdi Xaashi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa Alle uga baryay dadkii ku dhimatay halkaas in uu u naxariisto, isagoo intii ku dhaawacantay, intii ku hanti beeshay iyo dhamaan intii uu saameeyay qaraxaas uu Alle uga baryay in uu ka bogsiiyo.

“Dhacdadaas oo kale Ilaahey dib nooguma soo celiyo, kuwii ka dambeeyana ilaahey meel xun, meel daran ha geeyo, inagana Allaha naga samir siiyo intii aan ku weynay” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.