Cumar Filish: “Halku dhigga sanadkaan waa ma ooynee waan aarsanaa”

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maanta boqolaal shacabka caasimadda ah kala qeyb galay kulan ka dhacay isgoyska 14-ka October, kuwaas oo iskugu soo baxay sidii ay shacuurtooda ugu muujin lahaayeen dadkii Soomaaliyeed ee labo sano ka hor lagu xasuuqay isgoyska 14-ka October Ex Soobe.

Guddoomiye Cumar Filish dadka halkaas kula hadlay ayaa sheegay in maanta oo kale ay mudan tahay in aan la iloobin, isla markaana halku dhigga sanadkaan uu yahay ma ooynee waan aarsanaa.

Isgoyska 14-ka October ayaa laga taagay taalo lagu xasuusanayo dadkii lagu xasuuqay muddo haatan laga joogo labo sano, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan 500 oo qof iyadoo tiro kale oo aan intaas ka yareyna ku dhaawacmeen.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.